Allbanaadir.com
NEWS

Cabdi Weli Muudey oo soo saaray Amar ku socda Xildhibaanada Baarlamaanka (Akhriso)

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudey ayaa goordhaw soo saaray qoraal ku socda Xildhibaanada Baarlamaanka oo ku aadan in wax hub ah aan lala soo gali karin Xarunta Baarlamaanka.

Qoraalka kasoo baxay Gudoomiye Muudey  ayaa loo kala diray Taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida, Taliyaha Ilaalada Xarunta Baarlamaanka ee AMISOM, waxaa ogeysiis lagu siiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Waxaa xarunta golaha Shacabka laga mamnuucay in lala soo galo wax hub ah , waxaana la amray Gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada in ilaaladooda ay uga soo tagaan banaanka hore ee Baarlamaanka amaankana ay u xil saaran yihiin ciidamo booliis ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa ayaa markii hore ilaaladooda la gali jiray gudaha xarunta Baarlamaanka, waxaana arintan looga gon leeyahay in laga hortago in dhibatao ka dhacdo gudaha xarunta  oo bari kulan xasaasi ah uu ka dhacayo

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mooshin ka dhan ah Wasiir katirsan Xukuumadda oo la diyaariyay iyo dambiga loo heesto

Cabdi Cade

Maxaa ka jira inuu iscasilay guddigii doorashada Madaxweynaha K/Galbeed? (Akhriso)

Caydiid Ali

Tirada dadka ku dhintay Qaraxyadii Muqdisho oo sii kordhay iyo Dad hor leh oo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---