Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Xoosh oo ka hadlay Dooda ka taagan mooshinka Jawaari laga gudbiyay

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka hadlay dooda ka dhalatay mooshinka laga gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Xildhibaano sheegeen in uu bur buray halka kuwa kalana wali ku doodayaan in uu sidiisii u taagan yahay.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in wali taagan yahay mooshinkii laga gudbiyay Gudoomiyaha Baralamaanka Soomaaliya , waxa uuna meesha ka saaray in mooshinkaasi uu bur buray maadaama uu dhaafay waqtigii loogu tala galay in laguda galo.

“Jawaari Mooshinka waxa uu aqbalay Maarso 18keedii ,hadda wuxuu ku doodaa in 10kii bari ee dooda mooshinka dhamaatay, hasa ahaatee wuxuu illoobay Qodobka 9aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka Farqadda 4aad iney leedahay 10ka bari waxeey billaabataa maalinta la hor geeyo Golaha”Ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Wasiir Xoosh ayaa meesha ka saaray dooda Xildhibaano dhawaan ku shiray magaalada Muqdisho oo sheegay in uu bur buray mooshinkii Jawaari ka yaalay, waxa uuna soo qaatay qodob kamid ah heer hoosaadka Baarlamaanka wax badan cadeenaya.

“Xeer Hoosaadka Golaha ma dhahayo maalinta la guddoomay mooshinka ,mida  kale farqadda 4aad waxeey ka hadleeysaa doodda mooshinka, meesha kaliya oo lagu dhex doodana waa Golaha ee Golahoon la hor geeyn bannaanka Golaha loogama doodi karo arrintaan”

Hadalka Wasiirka Dastuurka Xukuumada Soomaaliya ayaa imaanaya xili qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka sheegeen in uu bur buray mooshinka, halka Xildhibaano kale ay wali sheegayaan in mooshinka taagan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo weerartay Saldhig ciidan oo kuyaala gudaha dalka Kenya

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo kusii jeeda Waqooyiga Gaalkacyo iyo dood ka dhalatay Safarka oo…

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaaraha Magacaaban oo Booqasho ugu tagay Guddoomiyaha Aqalka Sare (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---