Maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya taliska ciidanka taraafikada ayaa bilaabay iney jidadka magaalada Muqdisho ku dhejiyaan boorarka tilmaamaya calaamadaha gaadiidka lagu hago.
Boorarkan oo caan ka ah magaalooyinka dunida ayaa markii ugu horeysay waxaa nasiib u yeeshay in lagu arko magaalada Muqdisho.
Calaamadaha tilmamaaya Goobaha dadka lugeynaya ay wadooyinka ka goyn karaan ayaa jidadka qaar lagu dhejiyey, halka wadooyinka ku dhow iskuulada waxbarashada laga taagay boorar loogu sheegayo gaadiidka iney xawaaraha socodkooda dhimaan, iyadoo la ilaalinayo badbaadada ardayda.
Qaarka mid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyey calaamadahan lagu arkay wadooyinka qaarkood balse waxaa aad loo dhaliilay luuqada lagu qoray oo English ah, iyadoo dadka intiisa badan ay jeclaan lahaayeen in afka hooyo lagu qoro.
“Dalku wuxuu leeyahay far qoran oo waqti badan la geliyey barashadiisa, haddana in boorarkan laga door biday in lugu soo gudbiyo af qalaad, caqligeygu wuu qaadan waayey, dadka ay tilmaanta siinayaan waa Soomaali ee maaha Ingiriiska, Canada ama Mareykanka” ayuu yiri oday Soomaliyeed oo aad ula yaabay luuqada loo isticmalay boorarkan.
“Darawaliinta in loo digo ma ahan wax xun loona tilmaamo in iskuul iyo carruuro ka dhow yihiin goobta ee waxaa aad iila fool xumaatay in si ku talagal loo xaqiro fartii ummaddu laheyd ee ah mid la wada akhrin karo cid kastana fahmeyso, waa fal iga yaabiyey oo aan fasiraad u waayey” ayuu yiri aqoonyahan Soomaaliyed oo ku baaqay in la bedelo luuqada loo isticmaalay boorarkan maadaama aysan wada garaneynin dadka oo dhan, loona bedelo afka Soomaaliga.
Heyadaha qaar ee dowlada ayaa lagu dhaliilay iney aad u isticmaalaan luuqadaha qalaad, halkii la doonayey iney xoojiyaan afka hooyo, taasoo dad badan ay ku tilmaameen arin nasiib daro ah oo u baahan in wax laga qabto.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com