Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Ergayga Midowga Europe uu dhowaan usoo magacaabay Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay ka midyihiin ku xigeenkiisa Fulgencio Garrido Ruiz oo hada xafiiska baneenaya iyo Masuuliyiin kale.
Kulanka ay yeesheen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Ergayga Midowga Europe Ambassador Martinez, waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Puntland sida Amniga, Siyaasada, Mashaariicda Horumarineed ee Midowga Europe ka fuliyo Puntland iyo arrimaha bani’aadantinimada.
“Waxaan Puntland hadaan nahay u sheegnay una cadeynay inaan marwalba diyaar unahay inaan qeyb libaax-leh ka qaadano dib-udhiska Soomaaliya, ku dhisan Midnimadii Soomaaliya, ku dhisan Nidaamka Federaaliga ah ee ay qaadatay. Waxaan marwalbo rajeynaynaa in Puntland doorkeedu uu caddaado, dadkeeda ay u adeegto, Soomaaliya ay ka qeybqaadato sidii horumar waara ay u gaari lahayd oo ku dhisan Nidaam iyo Sharci, iyadoo la tixgelinayo marxaladaha Siyaasadeed ee hada la marayo, Waxaan rajeynaynaa in muddada uu joogo uu qeyb ka qaadan doono dhismaha Siyaasada, Amniga iyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda Puntland soo dhoweynta, iyagoo balan-qaaday in Midowga Yurub uu mashaariic badan ka fulin doon degaanada Puntland, Wafdiga Midowga Europe ka socda ayaa inta ay socdaalka ku joogaan Garoowe, waxaa ay kulamo la qaadanayaan qaar ka mid ah Wasaaraddaha Dowladda sida Maaliyadda iyo Qorsheynta oo ay kala hadli doonaan Mashaariicda socda ee Midowga Europe ka wado Puntland iyo kuwa cusub ee la qorsheynayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com