Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ku-xigeenka Raisul Wasaaraha Somalia oo gudoomiyey shirkii SDRF (Sawirro)

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo lagu qabtay Muqdisho ee caasimadda dalka.

Shirka oo ay ka qayb galeen beesha caalamka iyo deeq bixiyaasha ayaa lagaga hadlay barnaamijyada horumarinta dalka.

Kulanka ayaa warbixin looga dhagaystay maamulka gobalka Banaadir, dowlad gobaleedyada iyo wasaarahaha haweenka iyo qorsheynta.

Wasaaradda howlaha guud ee DFS ayaa intii uu shirku socday waxa ay soo bandhigtay mashaariic bangiga adduunku uu ka fulinayo goballada dalka Soomaaliya.

Shirka horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRF) oo ay kasoo qayb galaan dawladda federaalka, maamul gobaleedyada, qaramada midoobay, Midawga Yurub, Ururuka Iskaashiga Islaamka, Bangiga adduunka, Bangiga horumarinta Afrika iyo dhammaan dhinacyada Soomaaliya kala shaqeeya horumarinta ayaa looga hadlaa arrimaha horumarineed ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo fulinaya Shuruud Axmed Madoobe ku xiray iyo Masuuliyiin Muqdisho la keenayo !!

Cabdi Cade

RW ku-xigeenka Somalia oo la hadlay Ardayda Soomaalida ee wax ka barata UK (Sawirro)

Caydiid Ali

Basaasiinta Ruushka ee Internetka oo beegsaday 42 dal oo xulafo la ah Ukraine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---