Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay gaaraan Waqooyiga Gaalkacyo ee maamusho Puntland.
Xasan Cali Kheyre ayaa xalay ku hoyday Koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxa uuna halkaasi kulamo kula qaatay Waxgaradka Koonfurta Gaalkacyo iyo masuuliyiin kale oo ku sugan halkaasi.
Sida aan Wararka ku heleyno Ra’isul Wasaare Kheyre iyo wafdiga la socda ayaa la filayaa in sidoo kale gaaraan Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana saacado badan dood ka taagteyd habka loo soo dhaweenayo iyo sida uu dadweynaha ula hadlayo.
Maamulka Puntland Wasiiro katirsan oo loo xil saaray soo dhaweynta Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa ka biyo diidanaa in Ra’isul Wasaaraha fagaare kula hadlo dadka ku dhaqan Waqooyiga Gaalkaco, waxaana arintan ka dhalatay dood saacado qaadatay.
Ugu Dambeyn xubno matalaya Ra’isul Wasaare Kheyre iyo masuuliyiin katirsan maamulka Puntland ayaa isku afgartay in Ra’isul Wasaaraha si heer sare ah loogu soo dhaweeyo Waqooyiga Gaalkacyo uuna shacabka kula hadlo Garoonka cayaaraha ee Cawaale.
Diyaar garow ku aadan soo dhaweynta Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka socota Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaa sidoo kale halkaasi gaaray wafdi horu dhac u ah safarka Ra’isul Wasaare Kheyre.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha Warkan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com