Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Golle Deegaan oo aqoonsaday Somaliland iyo Muuse Biixi oo ka hadlay

Golaha Deegaanka Ee Birmingham ee dalka Britain ayaa aqoonsaday maamulka Madax banaanida hardanka ugu jira ee Somaliland, waxaana aqoonsigan si weyn uga mahad celiyay Madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi.

War Saxaafadeed kasoo baxay Madaxweynaha Somaliland ayaa loogu mahad celiyay golaha deegaanka ee Birmingham uu sheegay Muuse Biixi in ay muujiyeen garasho feyow iyo dareen bini-aadannimo oo aad u qiimo badan,

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeed Biixi kusoo dhaweeyay aqoonsiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Xukuumadda iyo magaca ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu halkan hambalyo iyo mahadnaq uga dirayaa Golaha Deegaanka Birmingham iyo guud ahaanba shacabka ku nool oo 08-07-2019, ku dhawaaqay inay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dal madax-bannaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu mar labaad ku hambalyeynayaa kuna bogaadinayaa golaha deegaanka magaalada labaad ee ugu dadka badan dalka Ingiriiska tallaabadii ku dhaca iyo geesinamada lahayd ee ay qaadeen , kuna aqoonsadeen Qarannimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Degmada Birmingham waxay muujiyeen garasho feyow iyo dareen bini-aadannimo oo aad u qiimo badan, kasoo ku dhiirri geliyey inay gar-waaqsadaan ahmiyadda weyn ee uu dalka Jamhuuriyadda Somaliland u qabo in la aqoonsado iyo xaqa ay ummaddayadu u leeyihiin inay Beesha Caalamka ka helaan ictiraaf buuxa. Sidoo kale shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxay u mahadnaqayaan cidkasta oo isu xilsaartay qadiyadda Somaliland islana garabtaagtay tallo iyo taageero lagu raadinayo aqoonsiga dalkan iyadoo mudooyinkii u danbeeyey golayaasha deegaanka ee ingiriisku ku dhawaaqayeen ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana hore ugu dhawaaqay aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland golayaasha Deegaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Tower Hamlets, daraadna ay ku soo biirtay Birmingham, taasina waxay ka turjumaysaa tallaabooyinka geesinimada leh ee ay qaadeen magaalooyinkaasi, kuwaas oo mudan inay beesha caalamku kaga dayato.

Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu beesha caalamka ka codsanayaa inay xaqiiqsadaan horumarka ay ku tallaabsadeen shacbiga iyo xukuumadda Somaliland mudada 28ka Sanno ah ee ay ku buuxiyeen dhammaan shuruudihii dalnimo iyo dawlad madax-bannaan oo ay u dhanyihiin haykalkii dawladnimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Somalia & RW Itoobiya oo caawa u ambabaxay Nairobi (Sawirro)

Caydiid Ali

Qaramada Midoobay oo ka hadashay Heshiiskii Golaha Wadatashiga Fariina u dirtay

Cabdi Cade

Laftagareen oo hal arrin kala hadlay ciidanka Baraha laga ilaaliyo Baydhabo (Sawirro)

Caydiid Ali