Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay sadex nin oo lagu helay in ay katirsanaayeen dagaalyahanada Al Shabaab sidoo kale weerar ka fuliyay Muqdisho.
Sadexdan dhalinyaro ee saakay xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa kadambeeyay weerar lagu dilay dad ka badan 20-qof oo lagu qaaday hotelka Naasa-Hablood 2 ee magaalada Muqdisho, 28 bishii October ee sanadkii 2017.
Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaana saakay fagaaraha Iskool buluusiya ee magaalada Muqdisho ku toogatay Farxaan Maxamed Samatar, C/naasir Dhaqane iyo Abshir Maxamed Xaaji.
Ragan saakay la toogtay ayaa Maxkamada ciidamada qalabka sida xukun dil ah ku riday 30/05/2018, waxaana xukunkaas lagu riday sadexdan eedeesane saakay lagula fuliyay magaalada Muqdisho.
Xukunada dilka ah ay fuliso dowlda Soomaaliya ayaa aad u yaraaday labadii sano ee lasoo dhaafay, waxaana inta badan xukunada dilka ah dowladan ku fulisay xubno katirsan Al Shabaab oo weeraro ka geestay Muqdisho.