Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Muudey oo sheegay in Mooshinkii laga gudbiyey Jawaari uu sidiisii u taagan yahay (Akhriso)

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Cabdiweli Sheekh Ibarahim (Muudey) ayaa xalay saqdii dhexe soo saaray War-saxaafadeed uu ku sheegay in Mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu sidiisii u taagan yahay.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay inuusan waxba iska bedelin sharcinimada iyo habraacii uu ku socday Mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari oo uu sheegay in lagu balansan yahay in Golaha la horkeeno maalinta Sabtida ah.

Guddoomiye Muudey ayaa sidoo kale sheegay in guddiga joogtada ah aysan saameyn sharci ku lahayn arimaha socda iyo Mooshinka Guddoomiyaha golaha shacabka laga keenay, sidoo kalena mooshinkan loo codeyn doono.

“Jawaari kuma hadli karo magaca Golaha Shacabka, inta go’aan laga gaarayo Mooshinka ka yaalla” ayuu yiri gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamanka C/wali Muudey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo hadlay ayaa sheegay inuu dib ugu soo laabtay shaqada Baarlamaanka ka dib markii guddiga joogtada ah shaaciyeen 28kii bishan inuu buray mooshinkii laga keenay, maadaama ay dhamaatay 10kii cisho ee sharcigu qabay in golaha lagu horkeeno.

Hadaladan iska horjeeda ee guddoonka baarlamanku hawada isu marinayaan ayaa sii fogeynaya rajo kasta oo laga qabay in la soo afjaro khilaafka Baarlamanka oo hadda ku jira marlaxad aan waxba laga qaban Karin.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Gudoomiye Muudey:-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kooxda Taalibaan oo dishay Fanaan caan ka ahaa Dalka Afganistan

Cabdi Cade

Milatariga Itoobiya oo Duqeyn iyo Weerar culus ku qaaday Magaalada Makelle 

Cabdi Cade

Wasiirad Fowsiya oo shaacisay tirada dadka cusub ee maanta laga helay COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---