Dayuurad ay la socdaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalka Mareykanka ayaa saacadaha soo socda ee maanta lagu wadaa iney soo caga dhigato garoonka Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho.
Dhalinyaradan oo tiradooda lagu sheegay 85 ayaa waxay isugu jiraan qaar horey dambiyo uga galay Mareykanka iyo kuwo wadankaas ku galay si sharci daro ah.
Sida wararku sheegayaan dhalinyaradan ayaa shalay laga soo safriyay dalka Mareykanka, waxaana laga dejinayaa magaalada Nairobi, halkaasoo ay ka soo qaadi doonto dayuurad ay leedahay Shirkadda Jubba Airweys oo maanta gelinka dambe keeni doonta Magaalada Muqdisho.
Tan iyo markii uu aqalka Cad fariistay Madaxweyne Trump, boqolaal Soomaali  ah ayaa laga soo masaafuriyey Maraykanka, kuwaasoo lagu soo celiyey dalkooda, iyadoo talaabadan ay tahay mid cusub aysan horey ugu dhaqaaqin madaxdii isaga dambeeyey talada dalka Maraykanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com