Qarax ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhacay maanta gobolka Gedo ee Koonfurta Somalia kaasoo galaaftay nolosha dad shacab ah halka qaart kale ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxan uu yimid ka dib markii gaari khudaar waday ay miino kula kacday inta u dhexeysa degmada Baardheere iyo degaanka Geriley.
Gaarigan ayaa khudaarta ka soo qaaday degmada Baardheere, waxaana ku dhintay ugu yaraan 6 qof oo isugu jiray ganacsatadii laheyd khudaarta iyo shaqaalaha gaariga oo ka kooban darawalka iyo kirishbooyga.
Waxaa burbur xoogan uu soo gaaray gaariga xamuulka ah ee dadkaas ay la socdeen iyadoo khudaar badan oo khasaartay ay daadsan tahay goobta uu qaraxu ka dhacay
Shalay ayey ahayd markii tiro dad ah ay ku dhinteen sidaan oo kale Miino dhulka la galiyey oo gaarigii ay wateen kula qaraxday degaanka Dhoobley ee gobolka Jubada hoose.
Ma jirto cid sheegatay Qaraxyadan, lamana oga iney ahaayeen waxyaabo qarxa oo la geliyey wadooyinkan iyo yihiin haraaga hubkii la isku adeegsadanayey dagaaladii dalka ka dhacay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com