Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo hadda ka mida lataliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inaan loo baahneyn dagaal diblomaasiyadeed oo dhexmara Somalia iyo Kenya arrinta dacwadda badda ee ka dhaxeysa labada dal awgeed.
Isagoo wakaalada wararka ee Turkiga Anadolu kula hadlay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayuu sheegay in xiisada ka dhaxeysa labada dal xilligan ay tahay mid siyaasadeed iyo is-faham la’aan ee dhex taalla madaxda labada dal, loona baahan yahay labada dowladood inay la yimaadaan xal ay u haleen arrimahooda.
Somalia iyo Kenya ayuu sheegay inaysan caddow isku noqon karin, iyadoo qaxooti Nus Milyan qof oo Soomaali ah ay Kenya magan galeen, isla markaana dad badan oo asalkoodu Soomaali yahay ay ku nool yihiin dalka Kenya, Soomaaliyana aysan caddow ku noqon karin Kenya, sida Kenya aysan caddow ugu noqon karin Somalia.
Wuxuu tusaale u soo qaatay dalalka Kenya iyo Uganda oo isku heysta lahaanshaha jasiirada Migingo oo arrinteeda xal laga gaarin weli, balse labada dal uu iskaashi ka dhaxeeyo.
“Khilaafka hadda jira waa xaalad is-faham la’aan siyaasadeed. Labada dal waa inay raadiyaan wado iyo qaabab kale oo ay khilaafkooda ku xaliyaan..” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com