Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamaanka Soomaaliya oo Kulan Muhiim ah maanta yeelanaya

Waxaa maanta xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho kulan ku yeelanaya Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka maanta yeelanayaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa looga doodi doonaa miisaaniyadda sanadka 2018 uu u gudbiyay Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa marin doona aqrin labaad miisaaniyada loo soo gudbiyay, waxaana la filayaa in Xildhibaanada ugu dambeyn ansixiyaan marka ay ka doodaan miisaaniyadan.

Miisaaniyadda 2018 ee dowladda Soomaaliya ayaa gaareysa lacag dhan $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar), waxa ayna miisaaniyadan ka badan tahay tii hore 14-milyan oo dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Xaalada argagaxa leh oo ka taagan Gaza iyo Qax ka socda

Caydiid Ali

Kulankii lagula xisaabtami lahaa Wasiir Fardowsa Cigaal oo la baajiyay iyo Xamse oo …

Cabdi Cade

Ninkii Guriceel ku dilay C/llaahi Cali Hudeey oo gacanta lagu soo dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---