Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqday jiidaha dagaalka ee degaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubada Hoose.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan Sarakiisha kala duwan ee Ciidamada iyo xubno kale ayaa halkaas khudbad ugu jeediyay Ciidamada Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland isagoo ku amaanay dadaalka ay ugu jiraan xoraynta Dalka iyo sidii nabadgalyada ay usii adkayn lahayeen.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Amaanka ka jira Magaalooyinka waaweyn ay saldhig u yihiin Ciidamada ku sugan Deegaanada fog fog ee sida uu yiri halkaas Argagixisada ku horfadhiya waxaana uu intaas ku daray in dhamaan Shacabka reer Jubbaland ay ku jiifaan oo ay yihiin halyeeyo naftooda u huraya degenanshaha iyo Dowladnimada Jubbaland
“Marwalba dadka Magaalooyinka joogaa niyada ayay idinku hayaan sida aad naftiina ugu hurteen eed cadowga uga hortaagan tihiin” ayuu yiri Madaxweynahu.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka deegaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubada Hoose.
Odayaasha dhaqanka ayaa Ciidamada deegaankan ka howlgala ku amaanay sida ay nabadgalyada ugu soo dabaaleen deegaanada Galbeedka Jubada Hoose.
Madaxweynaha ayaa odayaasha deegaanka ka dhagaystay baahiyaha degaanka ka jira isagoo balan qaaday in la dardar galin doono Adeegyada Caafimaadka Waxbarashada iyo kuwo kale oo halkan si joogta ah looga bixiyo tan iyo markii galbeedka Gobolka Jubada Hoose laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com