Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Villa Somalia oo beenisay Warar lagu faafiyey baraha bulshada & Warbaahinta

Madaxtooyada Somalia ayaa si cad u beenisay warar saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyey baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood oo sheegayey inuu isbedelay mowqifka dowlada Somalia ee la xiriira kiiska Badda.

Warbaahinta gudaha qaarkood iyo baraha bulshada ayaa si weyn waxaa u qabsaday saacadihii la soo dhaafay warar aan la sheegin cida laga soo xigtay oo tilmaamaya in dowlada Somalia ay aqbashay iney wadahadal ka gasho kiiska badda, ka dib cadaadis kaga yimid dowlada Maraykanka, ayna dhowaan arrintaas wadahadal ka yeelan doonaan madaxda labada dowladood oo kulan ku yeelanaya Addis ababa.

“Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira qaddiyadda kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ” ayuu yiri agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed.

Agaasimaha oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa facenook ayaa intaa ku daray in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu baaritaan ku hayo ilaha wararkan been abuurka ah sida agaasimuhu sheegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya Dhulkii Hodantinimada iyo Dheemanta ee Musharaxiinta badan ku hardamayaan !

Cabdi Cade

Gantaal lagu gubay Markab Shidaal siday iyo Ciidamada Mareykanka oo jawaab bixiyay

Cabdi Cade

Gudoomiye Mursal oo Eedeyn culus loo jeediyay iyo Dowlada Turkiga oo Hanjabaad u jeedisay..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---