Allbanaadir.com
NEWS

Agaasime Koofi iyo Madaxda IOM oo ka wada hadlay shan qodob oo xasaasi ah (Daawo Sawirro)

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Col. Maxamed Aaden Koofi, oo safar shaqo ku jooga Dalka Kenya ayaa kulan la qaatey madaxda cusub ee hay’adda socdaalka Adduunka u qaabilsan geeska Africa iyo Soomaaliya.

Kulankaan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa soconayey mudo labo Maalin ah, waxaana laga wada hadley Maanta qodobbo ay ka mid yihiin:-

1) Hababka wada shaqeynta.

2) Ka hortagga danbiyada iskaga gudba xuduudaha iyo Socdaallada sharci darrada ah.

3) Dhameystirka dib u howlgelinta barihii laga koontrooli jirey xuduudaha Dhulka ee Soomaaliya la leedahey dalalka dariska ah.

4) Waxyaabaha kusoo kordhey socdaalada adduunka.

5) iyo iskaashi dhinaca socdaalka ah oo laga yagleelo geeska Africa.

Agaasimaha iyo madaxda hay’adda Socdaalka adduunka ayaa isla qaatey in wadashaqeynta la xoojiyo isla markaana kulamada kale ee kan xiga ay ka dhacaan gudaha Dalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Burcad shacabka ku dhaceysay bastoolad caag ah oo Muqdisho lagu qabtay

Caydiid Ali

Dr. Cali Waare “Filan-waa [Verrassing] ayey igu noqotay abaal-marinta la i gudoonsiiyey”

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) RW Somalia oo la kulmay Richard Moore & Xubno la socday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---