Allbanaadir.com
NEWS

Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa daqiiqado yar kahor ka dhacay agagaarka Isgooska Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxa ayaa ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ay ka shakiyeen ciidamada amaanka, gaariga ayaana inta uusan qarxin kahor lagu riday rasaas .

Dadkii ka agdhawaa goobta lagu qabtay gaariga qaraxa waday ayaa lagu amray in ay ka fogaadaan, lamana oga khasaaraha ka dhashay qaraxan oo ahaa mid aad u xoogan oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan Muqdisho.

Waxii warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo gudoontay dhaqaale loogu talo galay la dagaalanka Coronavirus (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo tirakoob ka soo saartay saameynta ka dhalatay abaarta ka jirta dalka

Caydiid Ali

Bulshada Soomaaliyeed oo xiligan u Qeybsantay Quus iyo Qanac !!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---