Allbanaadir.com
NEWS

Askari baxsad ahaa oo ku dhuumanayay Guriga Siyaasi caan ah oo la qabtay

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho ku qabtay askari la sheegay in uu baxsad ahaa kuna dhuumanayay mudo badan guriga siyaasi caan ah oo kuyaala Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Yariisow ayaa sheegay in ciidamada amaanka qabteen askari baxsad ku jiray kuna dhuumanayay guriga siyaasi caan ah uusan magaciisa sheegin.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada amaanka ku guuleesteen in ay soo xir xiraan maleeshiyaad uu sheegay in ay dhibaato ka wadeen Degmooyinka Hodan , Wadajir iyo Dharkeenley.

Ciidamada amaanka ayaa mudo baadi goob ugu jiray akariga baxsadka ahaa oo dilal iyo fal dambiyeedyo kale geestay, waxaana askariga la sheegay in uu ku dhuumanayay guriga Siyaasi caan ah oo kuyaala Waqooyiga Muqdisho uu gabaad ka dhigtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Duqa Muqdisho oo booqday Qoys ay shan qof uga dhinteen Roobabkii xalay

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare cusub oo loo magacaabay Dalka Suuriya kaddib dhicitaankii…

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii caawa ka dhacay Magaalada Cadaado

Caydiid Ali
Taboola Ads ---