Dagaal ayaa ka dhacay Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ka dib markii Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaaka Soomaaliya ay galabta qorax dhacii rasaas kulul isweydaarsadeen.
Wararka ayaa sheegaya in israsaaseynta ay dhexmartay qaar ka tiran ilaalada Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Ciidamo ka tirsan Guutada Labaad ee Milateriga.
Iska hor imaadkan ayaa yimid ka dib markii ay kala shakiyeen Ciidanka Millitariga oo Kontrol ku sugnaa ciidankan kale oo watay gaadiid dagaal
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) ayaa markii dambe tagay goobta oo kala dhexgalay Ciidankan, waxaana xalinta khilaafkooda u xilsaaray saraakiil kale oo ka tirsan Millitariga.
Inta la xaqiijiyay askari ayaa ku geeriyooday falkan dhacay, iyadoo ay ku dhaawacmeen laba kale, oo dhaawacooda loo soo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha Hay’adaha ammaanka.
Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaanan ku sugneyn Magaalada Jowhar, wuxuuna howlo shaqo u joogaa Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com