Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo mar kale Xukun dil ah ku fulisay afar qof oo mid kamid ah Dumar tahay

Al Shabaab ayaa galabta fagaare kuyaala degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose waxa ay ku dileen afar ruux oo sadex kamid ah lagu eedeeyay in ay jawaasiis ahaayeen halka ruuxa afaraad isna lagu eedeeyay in fal zino ah uu galay.

Qaadiga Maxkamada Al Shabaab ee xukunka dilka ah riday ayaa sheegay in sadex kamid ah dadka galabta la toogtay oo mid kamid ah ay tahay Dumar ay ahaayeen askar iyo sidoo kale jawaasiis.

Sulaymaan Max’med Saciid oo 21 sana jir ahaa ayaa Al Shabaab  ku eedeesay in uu katirsanaa ciidanka booliiska ee ka howlgala Muqdisho, waxa ayna sheegeen in ninkan lagu soo qabtay howlgal ka dhacay degmada Afgooye.

Al Shabaab ayaa sidoo kale Xukun dil ah galabta ku fulisay Yariisoow Baaf Cusmaan (Maye) oo 68 jir sana jir ahaa, waxa ayna ninkan ku eedeeyeen in uu katirsanaa maamulka Degmada Diinsoor sidoo la shaqeenayay Ciidamada Itoobiya .

Dadka Xukunka dilka ah lagu fuliyay waxaa sidoo kale kamid aheyd Iqra Cabdi Aadan oo 20 sana jir aheyd kuna nooleyd magaalada Mandheera, waxa ayna Al Shabaab gabadhan ku eedeeyeen in ay la shaqeeneysay Sirdoonka Kenya.

Al Shabaab ayaa galabta fagaaraha Jamaame sidoo kale dhagax ku dishay Nuur Bakar Diiroow oo lagu eedeeyay in uu gabar yar kufsaday ,ninkan ayaana la sheegay in uu horey guur usoo maray sidaasna dhagaxa loogu dilay.

Dadka Al Shabaab toogteen bishan gudaheeda ayaa gaaraya 18-ruux, waxaana dadkan Al Shabaab ku dileen Jubooyinka iyo Shabeelaha Hoose ku eedeeyeen dambiyo kala duwan oo u badnaa jawaasiisnimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo Gaadiid ku wareejisay qaar kamid ah maamul goboleedyada (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo xil cusub u magacaabay Aweys Cabdullaahi Cali 

Cabdi Cade

Duqa magaalada Istanbul oo xabsi lagu xukumay lana saaray Xayiraad Siyaasadeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---