Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Guinea oo qaddiyada Somaliland horgeeneysa Midowga Afrika

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo kasoo laabtay booqasho uu ku tagay dalka Guinea ayaa ka warbixiyay safarkiisa iyo sidoo kale guulaha uu maamulkiisa kasoo gaaray safarkaasi.

Muuse Biixi ayaa sheegay in dowlada Guinea si weyn usoo dhaweysay , waxa uuna xusay in Madaxweynaha Guinea uu ka garaabay arintooda, isagoona intaa raaciyay in dowlada Guinea gudoonsatay in qaddiyada Somaliland hor geyso Midowga Afrika.

“Dawladdii aanu u tagnay si weyn bay noo soo dhaweysay, waxaanay gudoonsatay inay qaddiyadeena keento AU, Madaxweyne Alphana waa ka garaabay hiilna waa ku haystaa Afrikada galbeed waxay doonaysaa arrintaa inay gudagasho, ninka arrintaa galay Diinta islaam uun baa na kulmisa iyo diirkaa madow, isku af ma nihin Faransiis bay ku hadlaan, Ingiriisi baynu ku hadalnaa, isma gaadhno isma dhex galno kaynu dhiig iyo dhaqan, toll, seedi, xidid ahayna waxaas buu inoo quudhay bal kawrama labadaa caqli” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Hadalka Muuse Biixi ayaa kusoo aadaya xili booqashada uu ku tagay Guinea ay dhalisay hadal heyn badan iyo caro ka timid dowlada federaalka Soomaaliya , waxa ayna dad badan isweediinayaa waxa Somaliland qadiyadeeda kusoo kordhineyso taageerada Guinea.

Related posts

Hirshabelle oo go’aan cusub ka qaadatay heyado shaqada laga joojiyey dhowaan

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo meel mariyay Shan hindise Sharciyeed oo muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Cawil Axmed Jabuuti oo xilka laga qaaday iyo Masuul cusub oo lagu bedelay (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---