Allbanaadir.com
NEWS

Dilalka Qorsheesan oo kusoo badanaya magaalada Muqdisho

Dilalka qorsheesan ee loo geesanayo dadka shacabka ah iyo ciidamada katirsan dowlada Soomaaliya ayaa kusoo kordhaya magaalada Muqdisho, xili ciidamada amaanka ay wadaan howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo.

Labadii habeen ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda waxaa lagu dilay ku dhawaad shan qof oo u badnaa dad shacab ah, waxaana dilkii ugu dambeeyay xalay loo geestay gabar katirsaneyd ciidanka booliiska.

Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa xasilinta ayaa magaalada Muqdisho ka wada howlgalo lagu raadinayo raga hubeesan ee dilalka geesta, waxa ayna ciidamada baaritaano ka wadaan qeybo kamid ah Muqdisho.

Dilalka qorsheesan ee ka dhaca magaalada Muqdisho qaarkood ayaa lagu eedeeyaa in ay ka dambeeyaan dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana inta badan baxsada raga hubeesan ee dilalka ka geesta Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Si dhib badan oo gar gaar lagu gaarsiinayo Qoysas uu saameeyay Fatahaada

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo raali galin ka bixiyay Hadal dhawaan kasoo yeeray

Cabdi Cade

Indhashareer laga furay haweenkii watay oo lagu gubay Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---