Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlad Afrikaan ah oo dalka Guinea uga digtay iney aqoonsato Somaliland

Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka dalka Nigeria ayaa dowlada Guinea uga digay iney dowlad u aqoonsato qeyb ka mid ah dalka Somalia.

Senator Shehu Sani ayaa soo dhigay boggiisa Twitterka in dowladda Guinea ama dal kasta oo ka tirsan Galbeedka Afrika ay ku qaldan yihiin iney dowladnimo u aqoonsadaan Somaliland ama qeyb kale oo sheegata inay ka go’day dalka Somalia.

“Keliya waxaa jira hal dal oo Soomaaliya la yiraahdo, waana mowqifka aynu taaganahay anagoo raaceyna siyaasada Midowga Afrika” ayuu yiri Senator Shehu Sani oo intaasi ku daray in muranka ama tartanka ka dhex jira Soomaalida ay iska tahay xaalad Taariikhi ah oo iska dhamaan doonta.

Senator Shehu Sani waa siyaasi u ololeeyaa Xuquuqda Rayidka, waana nin aaminsan aragtida Midnimadda Guud ee Afrika, iyadoo hadalkiisa uu ku soo beegmayo xilli dowlada Somalia xiriirkii Diplomaasi u jartay dowladda Gini, kadib, markii Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu dhawaan booqasho ku tegay dalkaasi loona soo dhoweeyey sidii Madaxweyne dowlad la aqoonsan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

La-taliyaha Guddoomiye Mursal oo lagala wareegay gaari dagaal & Ilaalo uu lahaa

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo saakay ka dhoofay Muqdisho

Cabdi Cade

Dil ka dhax dhacay gudaha Saldhiga Booliiska Dhuusomareeb iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---