Allbanaadir.com
NEWS

Guddigii Aqalka sare ee xalinta khilaafaadka Baarlamanka oo la kala diray & Sababta ka dambeysa

Sida ay sheegayaan warar goor dhow soo baxay Guddiga Joogtada ah ee aqalka Sare ayaa goor dhow kala diray Guddigii uu u xil saaray xalinta khilaafka Golaha Shacabka, kaddib markii ay ku fashilmeen dedaalkii ay labada dhinac ka dhex wadeen.

Kulan Guddiga Joogtada uu isugu yimid ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi, saddex ka mid ah xubnaha Guddiga ay gudbiyeen istiqaalad kuwaasoo kala ahaa Senator Maxamed Amiin, Cabdi Qeybdiid iyo Maxamed Axmed Mashruuc.

Saddexda xubnood ee iska casilay guddiga oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan sababaha ay isku casileen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha Guddiga ay ku kala qeybsameen go’aan ay ka qaateen khilaafka golaha shacabka, kaddib markii ay horay u soo saareen baaq iyo talooyin la xiriiray xalinta khilaafka iyo mudadii ay u qabteen in mooshinka lagu keeno ee 10-ka cisho, kana bilaabaneysay 18 bishan, kuna ekeyd 28-ka bishan oo shalay ku aadaneyd balse aan suuragelin.

Guddiga xalinta khilaafaadka Aqalka Sare ayaa la sheegay inuu ku sigtay inuu saameyn ku yeesho khilaafka ka dhex aloosan Golaha shacabka

Isqabqabsiga Golaha shacabka ee ka dhashay Mooshinka Jawaari ayaa haatan u muuqda mid faraha ka baxay oo aan waxba laga qaban karinm maa jiro ifafaale muujinaya xal arintan loo heli karo marka laga reebo in mid ka mid ah dhinacyada is haya uu tanaasulo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo Xuutiyiinta la galay heshiis ka nixiyey reer Galbeedka

Caydiid Ali

Ma dhab baa in Madaxda maamulka Jubbaland ay wadahadal la fureen DF?

admin

Daawo:-Mahad Salaad oo Sir badan banaanka keenay shaacana ka qaaday qorshe..

admin
Taboola Ads ---