Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shirkadii shanaad oo duulimaad heer caalami ah ka bilaabeysa garoonka Aadan Cabdulle

Shirkadda dayuuradaha Uganda Airlines ayaa dhowaan duulimaadyo toos ka bilaabeysa garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho

Agaasimaha Waaxda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macalin Xassan ayaa xaqiijiyey in duulimaadka caalamiga ah ee Shirkadda Uganda Airlines uu bilaaban doono 1-da bisha soo socota ee Agoosto.

Duulimaadkan tooska ah Uganda Airlines ay ku tagi doonto magaalada Muqdisho ayaa sare u qaadaya tirada shirkaddaha heerka caalami ee hadda dib howlahooda uga bilaabay garoonka Cadde, kuwaa oo fursad u siinaya rakaabka in ay toos uga daggaan dalalka shirkadaha caalamiga ah ee duulimaadyada toos ah ku yimaada magaalada Muqdisho.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in marka laga soo tago shirkadda Uganda Airlines ay sidoo kale jiraan shirkaddo kale oo qorsheynaya in dhowaan ay bilaabaan duulimadyo toos ah oo ku yimaadaan Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay ka mid yihiin Al-Arabia Airlines, South African Airways, Saudia Airlines iyo kuwo kale.

“Sababta ugu weyn ee keentay in shirkaddaha heerka caalami ay ku dhiiradaan duulimaadyada tooska ah oo ay ku imanayaan magaalada Muqdisho waa nabadgalyada Garoonka oo xiligan ah mid la gaarsiiyey heerka ugu wanaagsan” ayuu yiri gaasimaha Waaxda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macalin Xassan.

Dhowaan ayey aheyd markii ay garoonka Aadan Cadde duulimaad heer caalami ah ka bilowday diyaarada Qatar Airways oo ku soo biirtay shirkaddaha diyaaradaha ee sida tooska ah u yimaada magaalada Muqdisho, waxaana ka sii horeeyey Shirkadaha Turkish Airlines, Air Djbouti iyo Ethiopian Airlines.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Aadan Madoobe oo Magacaabay guddi 9 xubnood ah oo baaritaan ku soo sameeya..

Caydiid Ali

NISA oo qeyb ka noqotay Dagaalka u dhaxeeya Dowlada Itoobiya iyo TPLF !

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo shirar xasaasi ah la qaatay beesha caalamka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---