Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo ka jawaabtay ashtakadii dowlada Somalia u gudbisay Golaha ammaanka ee QM

Wasiirka arrimaha dibadda ee Maamulka Somaliland ayaa sheegay in dacwadda Soomaaliya ay geysay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay aysan ahayn mid joojinaysa heshiisyada ay Somaliland gashay ama galayso.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay oo khudbad u jeediyay Golaha Ammaanka ayaa 27-kii bishan wuxuu asktako ka dhan ah wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta u gudbiyay Golaha Ammaanka, taasoo ku saabsan saldhigga Berbera iyo heshiiska DP-world.

Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay in ay ka taliso dhulkeeda, Badeeda iyo Hawadeeda, maadaama uu sheegay inay buuxisay shuruudihii wadan ee laga rabay.

“Cid heshiis aan la galnay Soomaaliya xaq uma lahan inay ka hadasho, dadka Somaliland maanta ku nool waa dad is bixin kara, annaga ma nihin Gobol, waxaan nahay wadan degan oo jecel jaarkiisa.” ayuu yiri Wasiir Sacad.

Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan jirin wax mad-madow ah oo soo kala dhexgalay Somaliland iyo Qaramada Midoobay, isagoo meesha ka saaray warar maalmahan dambe  soo baxayay oo ku saabsan in khilaaf uu soo kala dhexgalay.

Sacad Cali Shire ayaa sheegay Maamulka Dekeda Berbera muddo ku dhow sanad inay gacanta ku heyso shirkadda DP World, balaarinteedana la dhameeyay, heshiiskaasina uusan noqon doonin mid burbura ee u shaqeyn doono sidii loogu talo galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo bilaabay fulinta balan qaad uu horey u sameeyay

Cabdi Cade

Amiirka dowlada Qatar oo Soomaaliya u soo Magacaabay danjire cusub

Caydiid Ali

Meydadka ku dhowaad 30 qof oo laga helay xeebta Mahdia iyo dad la la’yahay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---