“Caawa maxaa uga ek Xalay” “Awrka yar wuxuu leeyahay saan-qaadka kan Weyn” “Waa maadeys adduunyadu dadkuna way matalayaan”.
Barlamaanka Somaliya, gaar ahaan 5 tii ugu danbeysay waxaa soo maray; khilaaf, is qab-qabsi, buuq, kala qeybsanaan, Mooshino iyo bur-bur ku dhammaan jiray ridis iyo dhisid Xukuumado, Madaxweyne iyo Gudoomiye iyo waxii lamid ah.
Sanad kastana Khaatuma xumo ayuu ku dhammaa jiray oo ah in la xiro ama la hakiyo hawlihiisa sida:
1. Barlamaankii Carte 2000, oo sanadkii ugu danbeeyey ku dhamaaday khilaaf lagu kala aaday Eldoret iyo Muqdisho.
2. Barlamaankii Embagathi 2004, oo ku bilawday Jawhar iyo Xamar, kuna dhamaaday Asmara iyo Muqdisho.
3. Barlamaankii Jabuuti 2009, oo ku dhamaaday Qunful Xaruntiisa iyo Kampala Accord.
4. Barlamaankii Muqdisho 2012, oo ku dhamaaday hawl-gab lagu bedelay Golihii Madashii Badbaado Qaran iyo Gudoomihii Barlamaanka oo xubin ka noqday kadib markii uu hakad geliyey hawlihii Barlamaanka.
5. Barlamaanka Maamul-gobaleedyada 2016, oo sanad kadib isku bilaabay khilaaf aan la ogeen qaabka uu ku dhammaan-doono 3 sano kadib.
Waxaan tusaale kooban u qaadan karnaa laba Kutlo oo ka kala tirsanaa Barlamaankii 9 aad iyo kan 10 aad, dhinacyada ay isaga ek-yihiin ama ay ku kala duwan-yihiin;
A. Kutlada Xalay lagu dhawaaqay ee la magac baxday “Badbaadada Barlamaanka” ee difaaceysa Guddoomiye Jawaari uuna hogaaminayo Mudane Maxamed Cumar Carte.
B. Kutladii Badbaado Qaran ee 2014, oo difaaceysay Xukuumadii Ra’isul Wasaare Cabdiweli, ayna hogaaminayeen Senator Dhegdheer iyo Senator Jurrile.
Xagga ay isaga ekaayeen labada Ciyaartoy!.
1. Magaca Badbaado iyo Tirada Ciyaartoyda ka wada tirsanaa.
2. Gudoomiye Jawaari oo Jilaa ka wada ahaa labada Ciyaar.
3. Qabyo oo Ciyaartoy ka wada aheed labada Ciyaarood iyo labada Garoon.
4. Xukuumaddii R/W Cabdiweli iyo Xukuumadda RW Khayre oo ka kala ahaa Difaac iyo Weerar.
5. Madaxweyne Xasan iyo Madaxweyne Farmaajo oo ka kala ahaa Kaptan iyo Gool haye..
6. Carte iyo Dhegdheer oo wada ahaa kaaliyaal Difaac adag laakiin la jebiyey difaacii dhegdheer, halka aan weli la ogeen difaaca Carte???.
7. Beesha Xalane oo isku day’day in ay labada Ciyaarood Arbiter ka noqoto laakiin loo wada diiday.
8. Labada kooxood oo ku wada ciyaarayey garoonka Dastuurka iyo Xeer-hoosaadk laakiin ku kala duwanaa; dharka, kubbaddaha, calamada, kaptanada, aarbiitarada iyo taagee-yaasha.
9. Ciyaartoyda labada koox oo mar kasta ka yimaada; 2 Beel, 2 Deegaan, 2 Xizbi, 2 Jilayaal laakiin Taageere-yaasha iyo Daawada-yaasha ay kala duwan-yihiinn.
10. Xilliga Ciyaarta oo mar kasta kusoo beegma sanadka 2 aad markii taba-barka loo xiro Kaptanada cusub.
Hadaba maalmaha soo socda waxaa noo bilaabanaya Ciyaar adag oo dhex mari doonta laba kooxood oo aad u culus aadna u taba baran lehna Ciyaartoy kayd ah iyo Taageerayaal jadbeysan oo ay kala hogaaminayaan; Kaptan Carte iyo Kaptan Khadiija M. Diiriye, waxaana sugeynaa Gool ka ugu horeeya iyo Dhibcaha ugu danbeeya ee la kala helo iyo sida ay ugu qanciyaar Taageerayaasha!.
W/Q Dr Mohamed Nur Gacal
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com