Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa mar kale xukun dil ah ku fulisay afar ruux oo sadex kamid ah ay ku eedeeyeen in ay katirsanyihiin ciidamada dowlada , halka ruuxa afaraadna lagu eedeeyay in uu saaxir ahaa.
Qaadiga Maxkamada Al Shabaab ayaa sheegay in dagaalyahanada Al Shabaab howlgal kusoo qabteen sadex askari oo katirsanaa ciidanka dowlada, waxa uuna qaadiga sheegay in askartaasi lasoo qabtay iyaga oo hubkooda wata.
Fagaare kuyaala Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaana shalay lagu toogtay sadexda askari oo magacyadooda lagu sheegay ,Amiin Tifoow oo 23-sano jir ah , Muxiidiin Max’med Cabdi Raxiin oo 36 sana jir ah iyo Cabdi Wahaab Axmed Xasan oo 30 sana jir ah .
Saraakiil katirsan Al Shabaab oo goob joog ka ahaa fagaaraha sadexdan ruux lagu toogtay ayaa dadka uga digay in ay la shaqeeyaan dowlada iyo sidoo kale sirdoonada dowladaha shisheeye, waxa ayna ku goodiyeen in la dili doono cidii jaajuusnimo lagu qabto.
Dhinaca kale Al Shabaab ayaa isla shalay fagaare kuyaala degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubada Dhaxe ku toogatay nin lagu eedeeyay in uu saaxir ahaa kuna dhibaateeyn jiray dadka.
Qaadiga Maxkamada ayaa sheegay in Cali Xasaneey Axmed Kaaytooy oo 35-sano jir ahaa uu dadka  ku diri jiray Jiniga isla isagana ka saari jiray , waxa uuna xusay in dadka arintaasi lacag uga qaadan jiray.
Al Shabaab ayaa mudo isbuuc ka yar ku toogatay dad ka badan 10-qof oo ay dambiyo kala duwan ku eedeeyeen, waxa ayna Al Shabaab dadka ay xukunka dilka ah ku fulisay ku jiray dhowr qof ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen Jawaasiis.