Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Michael Keating oo kawada hadlay Xaalada Siyaasadeed ee dalka 

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula qaatay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mechael Keating.

Qoraal uu Michael Keating soo dhigay barta uu Twitterka ku leeyahay ayuu ku sheegay in kulanka uu la qaatay Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya kaga wada hadleyn arimo badan oo Muhiim ah.

Michael Keating ayaa sheegay in Xasan Kheyre si gaar ah uu kala hadlay xaaladda amaan, siyaasadeed, dhaqaale iyo Istiraatijiyadeed ee dalka Soomaaliya iyo sidoo looga shaqeyn lahaa dhinaca horumarka.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa faah faahin badan ka bixin in Ra’isul Wasaare Kheyre uu kala hadlay xiisada siyaasadeed ee ka dhax aloosan Baarlamaanka iyo Mooshinka Jawaari laga keenay.

Dowlada Federaalka ayaa xiligan dhaxda uga jirta xiisad siyaasadeed oo ka dhax jirta Baarlamaanka Federaalka, Gudoomiyaha Mooshinka laga keenay ayaana ku eedeeyay Xukuumada in iyadu gadaal ka riixeyso mooshinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo ka hadlay kulankii dhax maray Qoor Qoor iyo Xaaf

Cabdi Cade

Puntland oo xalay Joojisay kulan Madaxweyne Farmaajo kaga qeyb gali lahaa Garawe

Cabdi Cade

Ciidamo Milatari ah oo dhiig u shubaya shacabkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Soobe (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---