Gudoomiyaha Waqtigiisu dhamaaday ee Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa uga mahad celiyay Dowlada federaalka Soomaaliya gaar ahaan Ra’isul Wasaare Kheyre dadaalka uu ku bixiyay xal ka gaarida murunkii ka taagnaa Galmudug.
Waxa uu ku baaqay Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug in gogol dib u heshiisiineed oo rasmi ah loo dhigo beelaha dega Galmudug si meesha looga saaro khilaafaad ar yar oo beelaha ka dhax jira.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmjudug ayaa sidoo kale ugu baaqay Xukuumada Soomaaliya in la dhageesto lana tix galiyo deegaanada cabashada qaba si loo helo Galmudug mideysan.
     Halkan ka Akhriso War Saxaafadeed uu soo saaray
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com