Allbanaadir.com
NEWS

Wariye loo magacaabay in uu noqdo Gudoomiye Degmo katiran Gobolka Banaadir

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdiso Eng Candiramaan Yariisow ayaa shalay xilka ka qaaday labo Gudoomiye degmo, isagoona magacaabay Gudoomiyaal kale oo bedelaya kuwa xilka laga qaaday.

Yariisow ayaa u magacaabay Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab Guhaad Sheekh Xasan oo  kamid ahaa Wariyaasha ka shaqeeya Idaacada Afka gobolka Banaadir ku hadasha, waxa uuna Idaacadaasi ka ahaa Tifatire.

Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee degmada Xamar Jajab Ismaaciil Muktaar Cumar (Oranje) ayaa isna horey u ahaa Wariye ka shaqeeya Warbaahinta dowlada gaar ahaan Telefishinka Qaranka SNTV iyo Radio Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa bilaabay in uu isbedel ku sameeyo qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir, waxa uuna shalay xilka ka qaaday labo Gudoomiye Degmo iyadoona la filayo in kuwa kalana xil ka qaadis lagu sameeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano tiro yar oo dhageysanaya Hadal jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha (Sawirro)

Cabdi Cade

Rag caawa weeraray xarunta Wasaarada Gaashaandhiga DF oo gacanta lagu dhigay

Caydiid Ali

Faransiiska oo Qeylo dhaan kasoo saaray farogelin ay sheegeen in Turkiga ku hayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---