Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Xiisada ka dhalatay Mooshinka Jawaari oo meel xun gaartay

Xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka keeneen Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa meel xun  gaartay, kadib markii qaar kamid ah Xildhibaanada sheegeen in mooshinka uu buray.

Kulan xalay Villa Hargeysa ku yeesheen Xildhibaano taageersan Gudoomiye Jawaari ayey ku shaaciyeen in uu buray mooshinka laga keenay Gudoomiyaha, waxa ayna tilmaameen in Jawaari uu hada shaqadiisa wadan karo meeshana uu ka baxay mooshinka.

Waxa ay sheegeen Xildhibaanada in uu dhamaaday waqtigii sharciga ahaa ee Baarlamaanka lagu horgeyn lahaa Mooshinka oo 10-cisho ahaa, waxa ayna xuseen in uusan hada jirin wax mooshin ah oo Baarlamaanka horyaala.

Dhinaca kale Xildhibaanada taageersan mooshinka ayaa iyaguna ku adkeesanaya in mooshinka uu wali Baarlamaanka horyaalo ayna kulmi doonaan maalinta Sabtida ah si looga doodo mooshinka codna loo galiyo.

Waxa ay sheegeen Xildhibaanadan in Mooshinka uu wali horyaalo Baarlamaanka gacanta ku hayo Gudoonka, waxa ayna kula taliyeen Xildhibaanada kasoo horjeeda in sanduuqa codka ku kalsoonaadaan.

Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarkamaanka ayaa horey u shaaciyay in maalinta sabtida ah uu furmayo kulanka Baarlamaanka ajanduhuna uu noqon doono mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari.

Waxaa shaki la galinayaa sida uu u qabsoomi karo kulanka kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka horey u shaaciyay , maadaama Xildhibaano badan sheegeen  in Mooshinka uu buray.

Waxaa maanta Hoteelo kuyaala Muqdisho ka socda kulamo iska soo horjeeda ay leeyihiin Xildhibaanada labada garab u kala jabay, waxa ayna kaga hadlayaan kulamadan arimahan mooshinka kasoo cusboonaaday.

Waan waan laga dhax waday labada dhinac ee Baarlamaanka ayaa fashil kusoo dhamaaay, waxaana hada xiisada ka dhax aloosan Baarlamaanka ay gaartay meel aad u xun, waxaana adag in xal fudud laga gaaro halka hada xiisadu gaartay.

Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin warkan xalay kasoo baxay Xildhibaanada taageersan Gudoomiye Jawaari ee ku aadan in uu buray mooshinkii laga keenay Gudoomiyaha .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Erdogan oo si kulul u weeraray dhaxal-sugaha Boqortrooyada Sacuudiga

Caydiid Ali

Deeq Waxbarasho oo loo soo bandhigay Ardayda Dugsiga sare ee dalka ka baxday

Cabdi Cade

Siyaasi sheegay in Siyaasadda dalkeenna uu ka lumay qiyamkii iyo akhlaaqdii runta aheyd

Cabdi Cade
Taboola Ads ---