Baarlamaanka 10-aad ee Dowlada Federaalka Somalia ayaa lugaha la galay qalalaase siyaasadeed oo saameyn badan ku yeelan kara habsami u socodka howlaha iyo kulamada Golaha Shacabka.
Mooshinka kalsooni kala noqoshada ah ee laga gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa sababay in gudoonka Baarlamanka uu labo u kala jabo, golahana uu labo u qeybsamo .
Waxaa dad badan shaki ka qabaan in Baarlamaanka Federaalka uu sidiisii hore kusoo laaban karo xitaa hadii uu Gudoomiye Jawaari ka bad baado Mooshinka hada Baarlamaanka ka yaala .
Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlmaanka ayaa iclaamiyay in sabtida kulmayaan Baarkamaanka, waxa uuna cadeeyay in ajandaha kulankaasi uu noqon doono ka doodista Mooshinka Jawaari laga keenay.
Xildhibaanada Mooshinka kasoo horjeeda ayaa iyaguna cadeeyay in mooshinkaasi uu gabi ahaan buray, waxaana la iseediinayaa Sabtida cida ku kulmi doonto xarunta Baarlamaanka iyo wax laga filan karo kulankaasi.
Dadka Siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan hadii aan kahor kulanka xal laga gaarin in labo midkood noqon doono in kooramka kulanka uu buuxsami waayo , ama la baajiyo kulanka ama ugu dambeyn kulanka uu furmo uuna ka dhaco foodo iyo gacan ka hadal
Mowjadaha siyaasadeed ee ka dhex bilowday Xildhibaanada Baarlamaanka ka oo hadda u muuqda mid faraha ka sii baxaya ayaa hadii aan si deg deg ah loo xalin ayaa saameyn ku yeelan karta dhamaan heyadaha kale ee dowlada.
Khilaafkan ayaa sidoo kale dib u dhac ku keenaya horumarka iyo geeddi socodka dowladnimada Soomaaliya iyo hamuuntii loo qabay in la arko dowlad Soomaaliyeed oo awood leh, balse uu hada soo if baxayo khilaafka dowlada dhaxdeeda ah.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa intii mooshinka lagu mashquulsanaa faraha kasii baxay, waxaana magaalada ka dhacay qaraxyo dad badan oo shacab ah ku dhinteen iyo dilal qorsheesan.
Shacabka Soomaaliyeed oo la dhacsanaa horumarka ay ku dowlada Somalia mudadii sanadka aheyd ee ay jirtay ayaa si weyn uga niyad jabsan waxaa ka socda Baarlamanka Somalia hase ahaatee siyaasiyiinta iyo xildhibaanada Soomaalida kalama jecla arintaas danahooda gaarka ah ayaana wax walba ugala weyn.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com