Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Qarameynta Ciidamadii Ahlu Sunna laga wareejiyay oo laga shiray (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug shir ku yeeshay taliyaasha ciidamada qalabka sida ee dowlada federaalka Soomaaliya iyo saraakiil katirsan ciidmada Ahlu Sunna.

Kulankan ka dhacay magaalada Dhuuso Mareeb ayaa looga hadlay sidii loo Qarameyn lahaa Ciidanka Ahlu Sunna ee dhawaan lagu wareejiyay dowlada federaalka Soomaaliya iyo sidii looga tashan lahaa ciidanka la wareegaya amaanka Dhuuso Mareeb.

Taliyaasha ciidamada qalabka sida iyo saraakiisha Ahlu Sunna ayaa isla gartay sidii ciidamada la xareeyay loo qarameyn lahaa sidoo kale loo diiwaan gali lahaa si ay u helaan xaquuqdooda ciidanimo.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa ku amray taliyaasha ciidamada qalabka sida in ay ka shaqeeyaan sidii loo qarameyn lahaa ciidamada Ahlu Sunna wareejisay iyo sidii amaanka magaalada Dhuuso Mareeb ula wareegi lahaayeen ciidamada Dowlada.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oon wali ka jawaabin casuumad uu usoo diray Saciid Deni

Cabdi Cade

Nin Soomaali ah oo Weerar loo adeegsaday Toorey ka geestay dalka Talyaaniga

Cabdi Cade

R/W Rooble oo bilaabay Aargudasho Siyaasadeed oo ka dhan ah Xubno ku dhaw dhaw Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---