Al Shabaab ayaa galabta fagaare kuyaala deegaanka Xagar ee gobolka Jubada Hoose ku toogatay shan nin oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen Jawaasiis u shaqeysa dowlada Soomaaliya iyo dowlado kale oo shisheeye.
Qaadiga Maxkamada Al Shabaab ayaa sheegay in shantan ruux ee xukunka dilka ah lagu fuliyay ay ahaayeen jawaasiis u shaqeeneysay dowlada Soomaaliya iyo Dowlado shisheeye, waxa uuna ku riday ragaasi xukun dil ah oo isla galabta lagu fuliyay.
Fagaaraha lagu tooganayay shantan nin ay Al Shabaab ku eedeeyay basaasnimada ayaa waxaa usoo daawasho tagay dadweyne badan iyo sidoo kale saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.
Halkan ka akhriso magacyada Shanta nin ee la dilay iyo dambiyada lagu eedeeyay
1-Cusmaan Cabdulle Cabdullaahi ( Buulle) oo 59 sana jir ayaa Al Shabaab ku eedeeyeen in uu u shaqeenayay ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay tababareen saraakiil u dhalatay dalka Mareykanka.
2-Cabdi kariim Muuumin Axmed oo 48 sana jir ahaa ayaa isna lagu eedeeyay in uu la shaqeenayay Sirdoonka Dowlada Soomaaliya.
3-Xasan Barre Isxaaq (Jiiroow Barroow) oo 35 sano jir ahaa ayaa Al Shabaab waxa ay isna ku eedeeyeen in uu la shaqeenayay ciidamada dowlada Kenya.
4-Cumar Xasan Axmed (Cumar Cuuke) oo 33 sano jir ahaa ayaa isna lagu eedeeyay in uu u basaasayay lana shaqeenayay Sirdoonka dalka Mareykanka ee loo yaqaan CIA-da.
5-Axmed Cabdullaahi Warsame oo 24 sana jir ahaa ayaa Al Shabaab sheegeen in uu u basaasayay hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com