Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Xaaf oo shaaciyay cida Wakiil uga noqoneysa Arimaha Doorashooyinka Galmudug (Akhriso)

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka ay wakiil uga noqoneyso geeddi socodka Dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka Galmudug.

Xaaf ayaa isbadal badan ku yimid go’aankii hore ee doorashooyinka maamulka Galmudug, waxaana xeerkan uu soo saaray muujineysaa in Madaxweyne Xaaf uu banaanka ka istaagayo geeddi socodka Dib u heshiisiinta iyo Doorashooyinka Galmudug ka dhacaya.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadka yahay ee Galmudug ayaa sidoo kale ku amray dhamaan hey’addaha kala duwan in ay sii wataan howlaha iyo waajibaadka shoqo ee saaran inta laga dhisayo maamul cusub oo bedela kan hada jira.

        Halkan ka Akhriso Qoraal Madaxweyne Xaaf soo saaray 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo dagaal kula jirta ciidamo & sarkaal ka goostay & Turkiga oo u digay Mareykanka

admin

Shir looga hadlayo Nidaamka casriga ah ee Diiwaangelinta Madaniga oo Muqdisho ka furmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Kulane Jiis oo Weerar afka ah ku qaaday Dowladda iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo u jawaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---