Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: In ka badan 470 Arday oo ka qalin jabisay Jaamacada Soomaaliya

Jaamacadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa Munaasabad qalin jabin ah u qabatay 479 arday oo ka qalin jebiyey Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda , waxaana munaasanbadan qalin jabinta oo aheyd tiiĀ 11aad oo lagu qabtay Xarunta Cismaan Geeddi Raage

Xafladdan oo heerkeedu sarreeyey waxaa ka soo qayb galay Maamulka Jaamacadda Soomaaliya, Madax ka kala socotay Jaamacadda Muqdisho iyo Shirkadaha, Waalidiin, Arday iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Guddiga sare ee Jaamacadda Maxamed Axmed Macalim ayaa u hambalyeeyay ardayda ka qalin jabisay Jaamacada,Ā waxa uuna kula taliyay in ay Wadankooda iyo aqoontooda ku kalsoonaadaan ayna ka qayb qaataan humarkaĀ  Wadanka.

Waxaa sidoo kale Munaasabada qalin jabinta ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Dr. Ismaaciil Cali Siyaad oo sheegay in Jaamacada dadaal badan ku bixisay sidii ay usoo saari laheyd dad aqoon buuxda leh oo dadkooda iyo dalkooda wax tara.

Waxa uunaĀ  kula dardaarmay Dr Ismaaciil Ardayda qalin jabisay inay waxbarashadoodu sii horumariyaan isla markaa ay noqdaan kuwo aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaanba ka dhabeeya wixii ay soo barteen

Jaamacadaha Soomaaliya ayaa kamid ah jaamacadaha ugu tayada wanaagsan ee dalka ka jira, waxaana Jaamacadan sanad kasta ka qalin jabiya Boqolaal arday oo wax ka bartay kuliyaddaha kala duwan ee Jaamacadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo Guul weyn ka sheegatay dagaalka Balad Xaawo kana jawaabtay hadalkii Dowlada

Cabdi Cade

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya: Sidee Muranku Halkaan uu Ku Gaarnay?

Cabdi Cade

Ukraine oo codsi u dirtay Shacabkeeda iyo Ajaaniibta kale ee dalkeeda kunool

Cabdi Cade