Maxamed Qanyare oo toddobaadkan ku geeriyooday Muqdisho, waxaa taariikhdiisa soddomeeyadii sano ee u dambeeyay laga dhex akhrisan karaa in badan taariikhda Soomaaliya.
Waayo dhacdooyin aad u badan oo xag amni iyo xag siyaasadeed u badan oo dalka ka dhacay ayuu qeyb muuqata ka ahaa.
Allah ha u naxariisto, Maxamed Qanyare Afrax wuxuu ahaa hoggaamiye kaalin muuqata ku leh halgan isugu jira siyaasad iyo dagaal oo marba waji lahaa.
Halganka dadka qaar waxay u arkayeen in ujeeddadiisu ay tahay dhac hanti guud iyo mid gaar ahba iyo sadbursi-doon xagga siyaasadda ah. Qaar kale iyagu waxay u arkayeen xaq u dirir iyo iska caabbin qabaa’il, wadaaddo, Dowladda iyo xataa quwado shisheeye.
Waa arrimaha aad mooddo Soomaalidu in ay u bislaatay in iyada oo aan laga wadahadal wixii dhacay oo dhan oo aan si dhab ah looga heshiin in haddana la wada noolaado, lana wada lahaado hal Dowlad.
Maxamed Qanyare Afrax wuxuu ahaa nin karmeed inta badan cadkiisa goosta af iyo addin mid ay noqotaba, mararka qaarna yaqaan tanaasul iyo in uu ka leexdo waddada aan libinteedu u muuqan.
Sidoo kale wuxuu ahaa codkar, hadal yaqaan ah, marka uu doonana maad badan.
Wuxuu ahaa Hoggaamiye isabahaysiga uu ka mid yahay iyo midka uu lidka ku yahay labaduba ay fiiro gaar ah siiyaan hadalladiisa iyo tallaabooyinka uu qaadayo.
Qormo dheer ayaan Qanyare ka diyaariyay noloshiisa inta aan ka aqaan.
Waxaan is iri dhallinyaro iyo dad waaweyn oo hadda siyaasadda ku jira iyo qaar daneynaya ayaa laga yaabaa in ay tilmaan u noqoto oo dhacdooyinka badan oo halkan aan si kooban ugu xusayo ay kuwa ay daneynayaan ku sameeyaan baaritaan cilmi ah ama ay dadka goob joogga ahaa ay ka wareystaan.
Markaa Qormadani waxay u horreysaa dhowr aan maalmaha soo socda u soo daabici doono isdaba joog, haddii Rabbi idmo.
Maxamed Qanyare Afrax wuxuu ku dhashay baadiyaha Ceel Buur. Isaga oo kuray ah ayuu magaalo tegey. Booliiska ayuu ka mid noqday. Hantiile ayuu ku noqday Kenya iyo Gobolka Afrikada Bari. Ka dibna wuxuu u dallacay Hoggaamiye Siyaasadeed oo xukuma koox hubeysan.
Wuxuu noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Hoggaamiyaha USC. Wuxuuna qeyb ka ahaa waliba hormuud ah dagaallo badan oo dalka ka dhacay iyo sidoo kale heshiisyo lagu demiyay dagaallo.
Waxaa magaciisa iigu horreysay 1989, markaas oo Soomaali badan la qabqabtay oo laga tarxiilay dalka Kenya.
Inta uu howlgalkaasi socday ayaa aniga oo gashiin ah laba jeer markiiba dhowr maalmood aan joogay Nairobi.
Waxay ahayd arrin aad u taabatay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isla markaasna aad looga dareensanaa Kenya.
Waxaan ku maqlay Qanyare oo ahaa Ganacsade weyn oo hanti ku leh Kenya iyo dalal kale oo Gobolka ah in uu ka mid ahaa dadka laga soo saaray Kenya.
Intii ka dambeysay, Maxamed Qanyare isaga oo ka mid ah hoggaamiyayaasha ka qeyb galaya shir ama dano kale u socda ayaan in badan marba caasimad isku aragnay, aan telefoonka ku wareystay ama aan ku sheekeysannay, in bandanna fool-ka-fool ayaan u wada shaahnay.
New York 1992
Mar kale, wuxuu Qanyare magaciisu soo galay raadaarkeyga, markii ay dagaalladu ka billowdeen Muqdisho 1990. Wuxuu ahaa Hoggaamiyihii ay Jabhadda USC markii ay laba u kala jabtay Madax ka noqday dhinaca ay is diiddanaayeen General Caydiid.
Qanyare iyo Cusmaan-Caato waxay ahaayeen labada mas’uul ee iyaga oo wakiillo ka ah Mudane Cali Mahdi iyo General Caydiid heshiiska xabbad joojinta dagaalkii afar biloodlaha ee Muqdisho kala qeybiyay ku soo saxiixay Xarunta Qarammada Midoobay ee New York.
Wuxuu ahaa dagaalka ay ku burbureen dhismayaashii waaweynaa ee Farasmagaaluhu. Dad badan ayaa ku geeriyooday, qaar kale wuu ku naafoobay, in badanina waa ay ku barakacday.
Addis Ababa
Horraantii sagaashanaadkii, Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, inta aan loo dooran Madaxweynaha Somaliland ayuu Addis Ababa kaga qeyb galay shir weyn oo loo qabtay Hoggaamiye Kooxeedyadii Soomaalida ee berigaas jiray oo dhan.
Cigaal wuxuu hoggaaminayey ergo la yiri waa korjoogto oo ka socotay Somaliland.
Magacyadii ugu waaweynaa siyaasaddii berigaa jirtay ayaa dhammaantood fadhiyay.
Maxamed Qanyare Afrax markuu halka qaatay wuxuu la hadlay ka hadlay lana hadlay Cigaal.
Oktoobar1969 markii la dilay Madaxweynihii Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ka dibna uu militerigu xukunka xoog kula wareegay, ayuu xusay in Cigaal uu ahaa Ra’iisal Wasaare Baarlamaanka ka haysta kalsooni.
Hadda oo militerigii awoodda dalka hayay iyagana xoog looga qaaday Xukunka, wuxuu Qanyare ku tilmaamay in ninka keliya ee ugu dhow ee sheegan kara sharciyad awoodeed uu yahay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Sidaa darteed wuxuu Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u soo jeediyay in uu isagu dalka Madax ka noqdo.
Hoggaamiye kooxeedyada, Qanyare wuxuu ka mid ahaa kuwooda aad u tirada yar ee aan Ethiopia ka shidaal iyo hub qaadan ama marka ay xaaladdu calowdo aan iyada isku halleyn.
Qanyare wuxuu ahaa nin baaddiya ku dhashay laakiin reer magaal ah, leh caqli sare oo la isku dabbaro, siyaasad lagu furfuro, marka loo baahdana lagu qabbiro. Wuxuu ahaa nin dhiirran Soomaalida dhexdeeda iyo marka ajnebi lala macaammilayo labadaba. Wuxuu ahaa nin hadalkiisu cad yahay, cod karna ah.
Sidaa darteed wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta ay weriyayaasha siyaasaddu ugu jecel yihiin in ay wareystaan ama uu ka aqbalo in uu dood kala qeyb galo.
Qaybta Labaad waxaan ku soo qaadan doonaa qaar ka mid ah wareysiyadii uu siiyay BBC iyo doodihii uu ka qeyb galay Allah ha u naxariistee Mudane Maxamed Qanyare Afrax.
Qore:-Yusuf Garaad
Wasiirkii Hore Arimaha Dibadda
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com