Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo soo bandhigtay Magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyay Isgooska Sayidka

Dagaalyahan katirsanaa Xarakada Al Shabaab oo watay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa axadii isku qarxiyay Koontarool kuyaala Isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo ciidan, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxaasi ku dileen saraakiil katirsan ciidanka dowlada.

Warbaahina Al Shabaab ayaa baahisay Wareysi laga qaaday ninka weerarkan fuliyay, waxaana la sheegay in weerarkaasi uu fuliyay Cali Xasan Cabdi raxmaan Khaalid oo kasoo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle gaar ahaan Jufada Boqol Hore.

Ninkan ayaa sheegay in weerarkan uu fulinayay uu yahay mid uu ilaah ugu dhawaanayo kuna dhibaateenayo cadowga, waxa uuna kula dar daarmay dagaalyahanada kale ee Al Shabaab in ay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan Ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM.

Al Shabaab ayaa kordhisay qaraxyada ismiidaaminta ah iyo kuwa kale ee ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana isbuucan kaliya magaalada Muqdisho ka dhacay in ka badan afar qarax oo khasaaro kala duwan dhaliyay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Boosaaso

Caydiid Ali

Mid ka mid ah Madaxda ugu waaweyn Maafiyada caalamka oo la qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Baaq u diray Beesha Caalamka 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---