Waxaa xalay xarunta Villa Hargeysa kulan ku yeeshay Xildhibaano taageersanaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Xildhibaanadan ayaana kulankooda kasoo saaray go’aano ay gaareen.
Tirada Xildhibaanada taageersan Jawaari ee xalay kulanka ka qeyb galay ayaa shaki la galiyay in ay wada ahaayeen Xildhibaano katirsan Aqalka hoose , waxaana soo baxaya in kulanka xubno aan katirsaneyn golaha Shacabka ay ka qeyb galeen.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in kulankii xalay ka dhacay Villa Hargeysa ay ka qeyb galeen Xildhibaano aan katirsaneyn Golaha Shacanka , waxa uuna sheegay in kulankaasi ka qeyb galeen Xuldhibaano Aqalka sare katirsan.
Waxa uu isweediiyay Xildhibaan Dalxa xiliga la isku daray xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee xalay hal meel wada fadhiyay hal go’aana soo wada saaray.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dastuurka dalka xiligan lagu xadgudbayo ayna taasi horseedi karto in nidaamka iyo dastuurka meesha ka baxaan, waxa uuna uga digay Xildhibaanada Aqalka sare in faragalinta ka daayaan Aqalka hoose ee Baarlamaanka.
Waxa uu ugu baaqay Xildhibaan Dalxa Gudoomiyaha Aqalka sare in uu celiyo Xildhibaanada Aqalka sare ee faraha kula jira shaqo aan tooda aheyn, waxa uuna cadeeyay hadii uu diido in markooda soo faragalin doonaan marka la qabsado Gudoomiyaha.
Dad badan ayaa shaki galinaya in Xildhibaanadii xalay ku kulmay xarunta Villa Hargeysa in ay wada ahaayeen Xildhibaanada Aqalka Hoose, waxaana soo baxaya in kulankaasi qeyb ka ahaayeen Xildhibaano Aqalka sare ah iyo xubno kamid ah Shaqaalaha Villa Hargeysa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com