Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo bilad sharaf guddoonsiiyey Masuuliyiin & Saraakiil ciidan (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada abaalmarinno ku guddoonsiiyay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda ayaa uga mahadceliyay shaqada hufan ee ay qabteen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku bogaadiyay abaabulkii xoogganaa ee ay sameeyeen isaga oo ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay masuuliyadda isaga saareen qabanqaabada iyo maamuuska Maalmaha Xorriyadda Qaranka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha xorriyaddu ay yihiin astaan qaran oo mudan in la weyneeyo si loo xoojiyo wadajirka bulshada, ubadka Soomaaliyeedna loogu barbaariyo waddaniyad iyo dal jacayl.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku boorriyay inay dejiyaan qorshaha xuska maalmaha xorriyadda ee sannadka soo socda maadaama oo ay ku beegan tahay 60-guurada markii ay Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumaystaha.

Madaxweynaha ayaa xubnaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay dal iyo dibadba uga qayb qaateen xuska Maalmaha Xorriyadda dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo shaacisay beesha uu ka soo jeedo ninkii fuliyey qaraxii Baladweyne

Caydiid Ali

Xabsi guri la sheegay in la galiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal

admin

Buundooyin laga dhisayo Inta u Dhaxeysa Hargeysa iyo Berbera iyo Biixi oo Kormeeray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---