Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxa Golaha Ciidamada KMG ah ee Sudan oo la kulmay safiirka Somalia (Sawirro)

Madaxa Golaha Ciidamada ku meel-gaarka ah ee   dalka Sudan ayaa shalay oo Talaado ah  xafiiskiisa kula kulmay safiirka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya  oo muddo xileedkiisa dhamaaday.

Safiirka Soomaaliya ee Suudaan C/risaaq Axmed  Max’uud Shoole ay kaga mahad celiyey Madaxa Golaha Ciidamada, xukuumadda iyo shacbiga Suudaan, garab istaaggii iyo taageeradii  walaalahooda dhabta ah ee Soomaaliya, sidoo kalana ay Soomaaliya taageero hiil iyo hooba la garab taagan tahay walaalahooda Suudaan.

Dhanka kale Safiirka Soomaaliya ayaa shacbiga Walaalaha ee Suudaan u rajeeyay midnimo ,wadajir iyo Xasillooni, Wuxuuna yiri “ qofka caaqilka ah waa kan ku tusaale qaata duruufaha dadka hareerihiisa la kulmaan” waxaana loo baahan yahay ayuu yiri in wax laga barto xaaladaha adag ee soo maray qaar ka mid ah dalalka deriska la ah Suudaan.

Danjire C/risaaq Axmed .Sh. Max’uud ayaa ugu danbayntii u mahadceliyay xukuumadda iyo shacbiga Suudaan gacansiintii wanaagsanayd uu ka helay muddo xileedkiisii danjirannimo, Shacbiga Suudaanna wuxuu u rajeeyay degenaansho iyo barwaaqo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Villa Soomaaliya oo diidan qodobo ay soo jeediyeen Puntland iyo Jubbaland !

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo kashifay sababta madaxda dowladu uga caga jiidayaan fulinta xukunada dilka ah

Caydiid Ali

Shir lagu soo bandhigay qodobo muhiim u ah Amniga oo lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---