Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi caan ah oo xoog looga musaafuriyay dalka Kenya

Siyaasi caan ah oo u dhashay dalka Kenya kana mid ah siyaasiyiinta sida weyn mucaaradka  ugu ah Dowlada u hogaamiyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa mar kale dalkaasi si xoog looga musaafuriyay.

Miguna Miguna oo horey looga qaaday xasaanada Xildhibaano ayaa mar kale si xoog ah diyaarad looga saaray garoonka Diyaaradaha magalaada Nairobi, waxaana loo diiday in gudaha u galo magaalada Nairobi.

Siyaasigan oo katirsan Mucaaradka  Kenya ayaa horey looga musaafuriyay Kenya waxa uuna ku laabtay dalka Canada uu dhalasho ka heesto, hasa ahaatee Siyaasigan ayaa malamo kahor kusoo laabtay Kenya waxaana lagu xiray garoonka Diyaaradaha.

Qareenka Siyaasiga aan hadalka la ganban ee Miguna ayaa xaqiijiyay in uu dalka mar kale laga musaafuriyay isaga oo raacay diyaaradda Emirates oo Nairobi ka duulaysay, halkaas oo uu ku xirnaa tan iyo Isniintii.

Maxkamad kutaaka dalka Kenya ayaa amartay in lasii daayo Siyasaiga Miguna loona fasaxo in dalka uu soo galo ,hasa ahaatee dowlada ayaa amarka maxkamada iska indho tirtay dalkana xoog uga saartay siyaasigan mucaaradka ah.

George Odunga oo garsoore ka ah maxkamadda sare ee Kenya ayaa sheegay in wasiirka arrimaha gudaha, taliyaha booliiska iyo madaxa waaxda socdaalka in ay amardiido maxkamadeed samayn doonaan haddii aysan sii daynin Miguna.

Dowlada Kenya ayaa siyaasigan horey dalka uga musaafurisay kadib markii uu ka qeyb galay Munaasabadii uu isku caleemo saaray Ra’ila Odinga oo sheegtay in uu yahay Madxaweynaha dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo guddoomiyay shirka golaha Wasiirrada oo arrimo xasaasi looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Saciid Ciise: “Abaal waxaa mudan Siyaasiyiinta raba wax ka bedelka Dastuurka”

Caydiid Ali

War Deg Deg Ah: Iska hor imaad goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade