Rag toorey ku hubeysan ayaa xalay xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Benaadir waxay ku dileen Guddoomiyihii Maxkamada gobalka Sh/hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Saciid Cumar Xasan.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in gudoomiyaha ay soo weerareen labo nin oo toorey ku hubeysan, isagoo ka hor inta aan toorida lagu dhufan dhaawacay mid ka mid ah ragga soo weeraray oo uu ku furay rasaas uu ka riday bastoolad uu ku hubeysnaa.
Wararka ayaa sheegaya in Gudoomiye Saciid iyo mid ka mid ah labada nin ee tooreyda ku soo weeraray ay isla goobta ugu dhinteen dhaawacyadii soo gaaray, halka ninka labaadna uu baxsaday sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sh/hoose.
Gudoomiyaha iyo labada nin ee tooreyda ku hubeysnaa ayaa la sheegay iney murmeen weerarka ka hor, lamana oga iney ahaayeen dad aqoon ay ka dhexeysay iyo xaqiiqada ay salka ku hayso dhacdadan.
Sidoo kale, isla xalay Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa tuulada lagu magacaabo Sagaalaad oo hoostagta degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose waxay ku dileen Oday caan ka ahaa tuuladaas oo lagu Magacaabi jiray Xasan Yuusuf Baani.
Weerarkan ayaa ka dhacay afaafka hore ee Gurigiisa, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in marxuumka uu mar Guddoomiye kasoo noqday Tuulada Sagaalaad ee lagu dilay, lamana oga sababta loo dilay iyo cida ka dambeysay
Inkastoo aysan jirin weli cid sheegatay dilkan haddana waxaa la aaminsan yahay iney fulisay kooxda Al-shabaab oo looga bartay dilalka noocan ah ee khaarijinta ah.
.Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com