Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muuse Biixi & wafdigiisa oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey dalka Guinea (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigii uu hoggaaminayey ayaa maanta gaaray magaalada Conakry oo ah caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ee galbeedka qaaradda Afrika ku yaalla  oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa si meeqaamkeedu sarreeyo loogu soo dhaweeyey gegida caalamiga ah ee Conakry International Airport waxaana halkaas ku qaabilay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure, waxana madaxweynaha iyo weftigiisu lagaga qaaday dayaarad khaas ah oo nooca qummaatiga u kaca ah ee (helicopter) loo yaqaanno, taasoo si toos ah madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah u geysay qasriga Madaxtooyada waddanka Jamhuuriyadda Gini.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubnaha weftiga ah ee safarkiisa ku wehelinayay, ayaa xarunta qasriga madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Gini lagaga gelbiyey baabuurta loogu talo galay madaxda hab maamuuskoodu sarreeyo, waxana la geeyey Hutolka Kaloum ee bartamaha caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini ee Conakry. Iyadoo berrina si toos loo gudo gelidoono ujeedka safarka iyo kulamadii muhiimka ahaa ee uula yeelanayey madaxda dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Kulan ay isugu yimaadeen Gudiga Farsamada Arimaha Bulshada ee Dowladda Soomaaliya oo ka dhacay Muqdisho

admin

Israel oo ku fashilantay iney cadeyso sababihii ay u weerartay Isbtaalka Shifa (Sawirro)

Caydiid Ali

ATMIS oo shaacisay dhimasho ka dhalatay Madaafiicdii Xalane

Caydiid Ali
Taboola Ads ---