Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ugaas Xasan oo hadiyad Neef Geel ah guddoonsiiyey Raisul Wasaare Khayre (Sawirro)

Raisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi la socda oo gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa halkaas lagu gudoonsiiyey hadiyado iyo shahaado sharaf.

Ugaaska beesha Ceyr Ugaas Xasan Ugaas Nuur oo hoygiisa ku marti-qaaday wafdiga ayaa raisul Wasaaraha iyo xubno guddoonsiiyey shahaado sharaf ku aadan kaalinta ay ka qaateen dib u heshiisiinta iyo mideynta Galmudug.

Sidoo kale, ugaaska ayaa raisul Wasaaraha gudoonsiiyey neef Geel ah oo irmaan sida uu sheegay xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal kooban oo kaftan soo dhigay bartiisa facebook.

“Ugaas Xasan ayaa galabta neef geel ah oo irmaan ah noo hadiyeeyay. Waxaana noo lissay Ra’iisul Wasaare Kheyre. Caanaheeduna teelaysi ayay ahaayeen. Waxaana loo qaybsaday cantuugada Caanaha sadex qaybood oo kala ah: Nabad iyo Nolol (PM Kheyre), Galmudug (Sheekh Shaakir) iyo Mucaaradka oo aan anigu madashaas ku matalayay, Ciyaartaan Garsooreyaal waxaa ka ahaa Wasiir Ducaale iyo Senator Jawaahir. Loolankuna aad ayuu u adkaa, sidaas daraadeed barbar dhac ayuu kusoo idlaaday. Qolo walibana iyada oo qanacsan ayay xaafadeedii u soo carrowday” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xubnaha sida weyn u mucaaradsan madaxda dowlada balse haatan ka mid ah xubnaha RW ku wehliya safarka uu ku joogo Guriceel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharaxiin Madaxweyne oo sameestay Isbaheysi ka dhan ah Madaxweyne Deni

Cabdi Cade

SSC oo war ka soo saartay dagaalo ka soo cusboonaaday gobolka Sool (Akhriso)

Caydiid Ali

Golaha Wakiiladda Puntland oo saaka gudagalaya wax ka beddelka dastuurka iyo dedaalo socday oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---