Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaasha Ciidamada dowlada oo kusii jeeda Dhuuso Mareeb iyo Xog ku aadan Ujeedka…

Waxaa maanta oo talaado ah la filayaa in magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta u ah maamulka Galmudug gaaraan Taliyaasha ciidamada qalabka sida ee dowlada federaalka Soomaaliya.

Sida aan xogta ku heleyno taliyaasha ciidamada Milatariga, booliiska iyo asluubta ayaa lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Dhuuso Mareeb , waxaana taliyaashaasi qeyb ka noqon doonaan heshiis lagu kala saxiixanayo Dhuuso Mareeb.

Xukuumada Soomaaliya iyo kooxda Ahlu Sunna ayaa la filayaa in ay kala saxiixdaan heshiisyo dhowr ah ay kamid tahay in ciidamada kooxdaasi lagu wareejiyo dowlada lana qarameeyo.

Taliyaasha ciidamada Qalabka sida gaar ahaan booliiska iyo milatariga ayaana lagu wareejin doonaa ciidamada Ahlu sunna si loogu furo tababaro loona qarameeyo ciidamadaasi Ahlu Sunna wareejineyso.

Amaanka magaalada Dhuuso Mareeb ayaa sidoo kale la filayaa in ay la wareegaan ciidamada booliiska Soomaaliya iyo kuwa Danab ee katirsan milatariga Soomaaliya, waxa ayna taliyaashan ka shaqeenayaan sidii ciidankaasi amaanka ula wareegi lahaayeen.

Magaalada Dhuuso Mareeb waxaa wali ku sugan Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya iyo xubno katirsan labada Golle, waxaana magaaladaasi lagu wadaa in heshiisyo kuwa gaaraan Xukuumada iyo kooxda Ahlu Sunna ee ka talisa Dhuuso Mareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaari looga shakiyay Waxyaabaha Qarxa oo gudaha u galay Xarunta Madaxtooyada

Cabdi Cade

Ciidamada Danab oo gacanta ku dhigay xubno katirsan Al Shabaab iyo Agab (Sawirro)

Cabdi Cade

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo furmay iyo qodobada looga hadlayo oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---