Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada qarax lagu dilay Taliye Cawil Nuur Rooble

Waxaa shalay galinkii dambe Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug ka dhacay qarax nuuca gaadiidka hoosta looga soo xiro oo lala beegsaday taliyihii saldhiga booliiska ee magaaladaasi .

Qaraxa ayaa la sheegay in markii hore uu dhaawac culus kasoo gaaray Cawil Nuur Rooble taliyaha saldhiga booliiska Koonfurta Gaalkacyo, waxaana taliyaha xalay u geeriyooday dhaawacii qaraxa kasoo gaaray.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegatay masuuliyada qaraxa lagu dilay taliyihii saldhiga booliiska Koonfurta Gaalkacyo, waxa ayna Al Shabaab uu bartilmaameed u ahaa sargaalkan.

“Mujaahidiinta ayaa magaalada Gaalkacyo qarax kula beegsaday Taliyihii maamulka  Galmudug ugu magacaaban Booliska Koonfurta Gaalkacyo”ayaa lagu yiri kasoo baxay Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa horey sidan oo kale u sheegatay masuuliyada dilal ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo uu kamid ahaa dil dhawaan loo geestay sargaal katirsanaa Nabad sugida maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Cadaalada dowlada Zambia oo booqasho ku jooga Somaliand (Sawirro)

Caydiid Ali

Safaarada Maraykanka ee Magaalada Addis ababa oo digniin adag soo saartay

Caydiid Ali

(Sawirro) Axmed Madoobe oo xariga ka jaray dhismo qurux badan oo loo dhisay wasaarrada …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---