Kulan ay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ku lahaayeen guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Somalia ayaa goor dhow saqdii dhexe ee caawa la soo gebagebeeyey.
Waxaa kulankan looga hadlay xiisada ka dhalatay mooshinkii xildhibaabada golaha shacabka qaarkood ka keeneen gudoomiye Jawaari iyo natiijada waan-waan laga dhex dhex waday labada dhinac ee uu kala jabay golaha Shacabka.
Guddigii xalinta khilaafaadka ee aqalka Sare ayaa sheegay inay burburtay waan-waantii ay wadeen, si loo soo afjaro khilaafka golaha shacabka.
Waxay intaas ku dareen in dhinac ka mid ah labada garab ee uu kala jabay golaha shacabka ay diideen waan-waantii ay wadeen sidaasna uu ku fashilmay dedaalkoodii.
Dhinaca kale, Xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari ayaa iyana isla shirkan jaraa’id ka shaaciyey inuu burburay Mooshinkii laga keenay Jawaari, iyagoo taas u cuskaday in la dhaafay xiligii 10-ka cisho ahayd ee loogu talo galay in lagu horgeeyo Golaha shacabka
Waxay kulankooda ka soo saareen qodobo ay ka mid yihiin:-
1-Inuu buray Mooshinkii Jawaari uuna ku ekaa 28-kii bishan.
2-In berri laga bilaabo shaqadiisa uu wadan doono guddoomiye Jawaari.
3-In ciidamada Boolisku ay sugaan amniga golaha shacabka, mas’uuliyadda xasilooni darradii ka timaadana ay qaadi doonto Xukuumada.
-In Madaxweynaha ilaalin waayey sarreynta sharciga qeybna uu ka qaadanayo mas’uuliyadda waxa dhacaya.
Arintan ayaa sii hurineysa khilaafkii mudooyinkan ka dhex jiray baarlamanka Somalia ee ka dhashay mooshinkan Jawaari laga keenay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com