Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Qatar Airways oo duulimaadkii ugu horeeyey ka bilowday Muqdisho

Shirkadda Diyaaradda Qatar Airways ayaa maanta oo Isniin ah duulimaad toos ah oo caalami ah ka billowday caasimada Somalia ee Muqdisho.

Munaasabad duulimaadkeeda tooska ah ee Soomaaliya lagu shaacinayey ayaa lagu qabtay maanta garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa munaasabada ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan xukuumada, danjiraha dowlada Qatar u fadhiya Somalia iyo masuuliyiin kale, iyadoo dalka keentay rakaabkii ugu horeeyey, waxayna qaadeysaa rakaab kale oo Muqdisho ka dhoofaya.

Duulimaadkan joogtada ah oo marinkiisu noqon doono Muqdisho, Doha, Doha Mqudisho ayaa ahaa mid muddo dheer laga soo shaqeynayey sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda, waxayna Muqdisho iman doonta todobaadkiiba saddex jeer.

Qatar Airweys ayaa noqon doonto shirkadii afaraad ee duulimaad caalami ah ka bilowda Somalia, waxaa ka horeeyey shirkadaha dayuuradaha Turkish Airlines, Air Djbouti iyo Ethiopian Airlines.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Agaasimihii Madaxtooyada Galmudug oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade

Talaabada koowaad ee uu qaadayo Trump oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Ciidankii ku sugnaa Kontrolkii lagu xabadeeyey Xassan Shiikh oo la bedelay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---